DFS Oo Ka Qeyb Galayasa Shir Looga Hadlayo Shidaalka Afrika oo ka dhacaya dalka Koonfur Afrika.

0
213

 

Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Cabdirisaaq Cumar Maxamed Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika

Wasiir Cabdirisaaq Cumar iyo xubno la socda ayaa Magaalada Johannesburg uga qeyb galaya Shirka todobaadka Shidaalka Africa oo maalinta berri oo Isniin ah lagu wado inuu ka furmo Magaalo xeebeedka Cape Town ee dalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa kulamo duceedyo la qaadan doona qaar kamid ah Madax ka qeyb galeysa Shirka todobaadka Shidaalka Africa.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday dhowrkii sano ee la soo dhaafay dadaal ku aadan sidii dalka looga soo saari lahaa Shidaal, waxaana jiray shirkado Caalami ah ah oo heshiisyo lala galay, si ay dalka sahmin shidaal uga sameeyaan.