Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed-nuur Maxamed ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xubnaha Cusub Gollaha Wasiiradda Dowladda Koonfur Galbeed ee dhowaan uu Magacaabay Madaxweynaha Dowladdq Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada, Xildhibaano, Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay Munaasabada Dhaarinta Xubnaha Cusub ee kamid noqday Gollaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed-nuur Maxamed Ku-Ahn Kimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Golaha Wasiirada Cusub ugula Dardaarmay In Ay Gutaan Masu’uliyadda Culus Ee Hortaala Dhowaan Ayaa Maxdaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Magacaabay Golaha Wasiiradda Cusub