Madaxweyne Carabey “Diyaaradaha Muqdisho way ku degi karaan Galmudug,

0
720

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabe) ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa ku sheegay in aysan jriin wax caqabad ah oo ka jira Duulimaadyada degaanada Galmudug ee ka imaanaya Muqdisho.

Shirkadaha Duulimadyada ayuu faray in ay si toos ah u gutaan dhammaan adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug.

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabe) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa Hay’adaha amniga ugu baaqay in ay sugaan ammaanka guud ee degaanada Galmudug iyo in ay xil iska saaraana ammaanka guud ee Madaxda Qaranka ee u imaaneysa soo celinta xasiloonida.

Ugu damebyntii shacabka Galmudug ayuu ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida, islamarkaana ay Hay’adaha amniga ku garabsiiyaan sugidda amniga.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa ku soo aadaya xilli xalay warqad qoraal ah oo ka soo baxday Madaxweynaha Galmudug lagu sheegay in degaanada Galmudud aysan ka soo degi karin DIyaarad ka timid Muqdisho, marka laga reebo kuwa Hay’adaha samafalka iyo AMISOM.