Koeman Oo Shaaciyay Sababtii Rasmiga Aheyd Ee Wijnaldum Uu U Diiday Barcelona Uguna Biiray PSG

0
178

 

Waayihii tababare Ronaldo Koeman ee Barcelona wuxuu ku bilowday kuna dhamaaday si ku mid ah iyadoo Barcelona ay dhulka taalo kuna jirto kaalimaha dhexe ee horyaalka.

Ronaldo Koeman si uu u xoojiyo kooxdiisa wuxuu doonayay inuu la soo wareego Gini Wijnaldum xagaagii 2021, laakiin xiddigii hore ee Liverpool wuxuu u wareegay PSG iyadoo markaas loo maleynayay inay aheyd sababo dhaqaale.

Tababaraha reer Holland ayaa haatan si furan uga hadlay sababtii rasmiga aheyd ee uu Wijnaldum ugu biiri waayay Barcelona isagoo u waramayay warbaahinta AD.nl:

Advertisements

“Waxaan isku dayay inaan Barca keeno Wijnaldum laakiin waan ku guuldareystay sababtoo ah madaxweyna ayaa doonayay inuu iga careysiiyo bedelkii uu ciyaaryahanka soo xerogelin lahaa.

“Waxay taasi dib u dhigtay hishiis, waxayna keentay in ciyaaryahanka uu doorto PSG. Haddii aysan taais dhici laheyn ciyaaryahanka wuxuu u dheeli lahaa Barcelona.”

Barcelona ma aysan heysanin xiddigo waa weyn oo khadka dhexe ah bilowgii xilli ciyaareedkii hore. Iyadoo ay baxeen Miralem Pjanic oo amaah ku maqnaa, Carles Alena iyo Alaix Moriba la yaab ma aheyn in Koeman uu dalbaday xiddig kale oo khadka dhexe ah.

Koeman ayaa kooxda koowaad u soo dalacsiiyay Gavi iyo Nico Gonzalez.

Nico wuu ka tagay kooxda haatan isagoo amaah ugu biiray Valencia. Dhanka kale Gavi wuxuu boos joogta ah ka heystaa shaxda tababare Xavi.

Wijnaldum isna wuxuu xagaagan ku biiray kooxda Jose Mourinho ee AS Roma ka dib markii uu ku fashilmay PSG.

aca Nukliyeerka ah.