SAWIRRO: Wasiir Beyle oo gaaray Garowe.

0
729

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Dr C/raxmaan Ducaale iyo Wasiirada Maaliyadeed ee Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Wasiir Beyleh ayaa shir gudoominaya Shirka Maaliyadeed ee ka furmay Magaalada Garoowe.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlaya sida ugu wanaagsan ee loo horumarinkaro maaliyadda Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha waxaa waftigaan ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Puntland C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaaje Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda C/salaam Bashir C/salaan Xisaabiyaha Guud ee Dawaldda C/risaaq Siciid Nuur iyo Masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin c/qadir axmed xiriiriyaha pfm iyo shugri C/laahi iyo Agaasimayaasha Wasaradda Maaliyda Puntland.