Madaxweyne Deni oo xalay kulan laqatay Taliska Ciidanka Booliska Puntland?

0
267

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha Taliska Ciidanka Booliska Maamulkaasi Puntland .

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay sida Ciidanka har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska Puntland ayaa kamid ahaa Madaxdii shalay hortagtay Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ee lagu weeydiiyay su’aalo la xiriiray xaaladda Amni ee degaannada Puntland.