XOG-Sarkaal u istaagay Soo celinta Kursiga Fahad iyo Kahor tagga Shirqool Rooble lagu dilayo.

0
265

XOG-Sarkaal u istaagay Soo celinta Kursiga Fahad iyo Kahor tagga Shirqool Rooble lagu dilayo.

Maalmihii u danbeeyay ee kala baxa doorashada ayaa la galay, waxaana is bar bar socda kuraas lagu dhagan yahay, kala jiidashada xildhibaanada iyo feel jignaan amni.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka, waxaase soo baxday xog culus oo ku aadan in sarkaal awood badan ku leh NISA uu isu taagay qadiyadda kursiga Fahad Yaasiin iyo amniga Rooble, waxaana dhacay kulamo xasaasi ah.

Waxaa saacadihii la soo dhaafay wadahal taleefan oo waqti badan qaatay waxaa yeeshay Saraakiil ka tirsan NISA oo hogaaminayo Korneel Cabdullahi Daahir Cabdullahi Dheere oo ah taliyaha dabagalka ee NISA kana maqan dalka iyo Ra’iisal wasaare Rooble, waxaana looga hadlay digniintii ay NISA horay usoo saartay ee halista amniga Rooble iyo xal u helista muranka kursiga Fahad Yaasiin.

Korneel Cabdullahi Dheere ayaa si cad u sheegay in arintan isaga iyo saraakiisha kale ee NISA kuna fekerka ah ay arintan ku wajahayaan dhex dhexaadnimo, uuna wada hadalka Rooble arimahaasi kula lafa guray sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhawaa shirka.

Fahad Yaasiin iyo Kornel Cabdalla ayaa inkasta oo marar badan is khilaafeen hadana waxaa la ogyahay in ay ahaayeen saaxiibo isku dheer kana siman astaamo badan sida in ay yihiin rag aan ka cabsan kiisaska qaar ee qaada tilaabooyin adag.

Hadda waxaa xogta ay sheegeysaa in Cabdullahi Dheere uu awoodiisa ugu sareysa gelinayo sidii maalmaha soo socda loo fasaxi lahaa kursiga Fahad Yaasiin, isagoona durba la soo wariyay inuu meel dhaw keenay isku daygiisa.

Dhinaca kale Korneelka oo mudooyinkii danbe Muqdisho ka maqnaa walina dibadda ku sugan kadib isku day dil uu ka badbaaday ayaa wali helaya digniin xagga amnigiisa ah, iyadoo Maraykanka uga digeen inuu dalka yimaado.waxaase uu dusha u ridanayaa xaaldahan cakiran.

Sida saraakiil la soctay wada hadalka Ra’iisal wasaaraha iyo Sarkaalka ay sheegeen waxaa Rooble iyo Cabdullahi Dheere ay isku soo qaadeen ka hortagga shirqool laga cabsi qabo in Ra’iisal wasaaraha lagu dilo, waxaana uu Taliyaha dabagalka ballanqaaday inuu kiiska gacan bir ah ku qabanayo.

Doorashada oo xilligan soo gaartay wajigii ugu danbeeyay ayaa dadka u dhuun duleela siyaasadda iyo amniga waxay sheegayaan in laba arin ay jirto oo u baahan ka fiirsasho,

Waa tan koowaade in xildhibaanada cusub iyo kutladaha ay leeyihiin looga baahan yahay feel jignaan si aan weeraro loola beegaan, iyo tan labaad oo ah in culeyska uu ka dagayo Rooble maadaama mas’uuliyadda dalka ay ku wareegeyso baarlamaanka cusub.

Sikastaba waxaa muuqata in saameynta siyaasadeed iyo tan amni ee khilaafka Rooble iyo Fahad ay wali taagan tahay, iyadoona Saraakiisha NISA ee aan xildhibaanka noqon uguna horeeyo Cabdulahi Dheere looga fadhiyo sugidda amniga iyo isu soo dhaweynta dhinacyada.