Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa saaka howlgal qorsheysan ka fuliyey Agagaarka Deegaanka torotorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii degaannada howlgalka ka sameeyewn uga saari lahaayeen Ururka Al-Shabaab oo dhibaato ku haaya Dadka Shacabka ah.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in intii howlgalka socday la soo qabtay 10 katirsan Al-Shaabaab, muwaas oo ku sugnaa degaannasii ay howlgalka ka sameeyewn, isla markaana ay sii wadi soonaan.
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallada ugu badan waxaa ay ka sameeyaan degaanada Gobolka Shabeellaha Hokse, iyaga oo la wareegay degaano dhowr ah