Guddiga xalinta khilaafaadka oo farriin u diray musharrixiinta cabashada qaba

0
292

Gudiga Xallinta Khilaafaadka ayaa ugu baaqay musharaxiinta Barlamaanka in wixii tabasha ah ee ay qabaan u soo gubiyaan Guddiga iyadoo guddigu ka jawaabay eedayn Midowga Musharaxiinta ujeediyeen guddiyada doorashada, taasi oo ku saabsan in kuraasta la boobayo

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta khilaafaadka Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in musharax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan ogolaan doonin in muwaadin kasta aan la duudsiin doonin xaquuqdooda aas aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama la doorto.

“Musharax kasta waxaan ka codsaneynaa in cabashadooda ay anaga toos noo soo marsiiyaan oo aysan la aadin baraha bulshada”. Ayuu yiri Mudane Maxamed Ibraahim Barre.

Warkaan kasoo yeeray Gudiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa kusoo aadaya xilli ay doorashooyinka socda kajirto cabasho aad u farabadan.