Kulamo saacado badan qaatay ayaa xalay waxaa ay ka dhaceen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Kulamada oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaan weli wax horumar ah laga sameyn.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dhinaca Madaxweyne Farmaajo ay ku adkeeysanayaan in Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur loo bedelo Wasiirka Arrimaha Gudaha, sidoo kale Agaasimaha NISA laga wareejiyo Bashiir Goobe, isla markaana Farmaajo uu soo Magacaabo Agaasime Cusub.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur aadna ula socda kulamada ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan aheyn mid tanaasula oo kaliya uu yahay nin doonayo in uu adkaado, waxaana xubnaha waan waanta wada uu ku eedeeyay inay wax hoosaasinayaan.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa daba dheeraaday , iyada oo Beesha Caalamka ay cadaadis ku saareyso in dhinacyada heshiis gaaraan.