Maleeshiyaad hubeysan ayaa laba qof oo la sheegay inay ahaayeen Shacab waxaa ay ku dileen Deegaanka Balli-howd oo hoostaga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Labada qof ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in lagala degay gaari ay saarnaayeen oo ka tegay Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeday degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Dilkaan ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo Aanooyin qabiil oo xiisadiisu Sanado badan ka taagan tahay Deegaanadaas waxaana aad u soo badanaya dilalka Aar Goosiga ah ee ka dhacaya degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Dilkaan labada qof ee Shacabka ahaa loogu geystay Deegaanka Balli-howd oo hoostaga Balanballe ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay dagaal beeleed khasaaro geystay uu ka dhacay degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.