Qaraxyada oo laba ahaa ayaa waxaa duleedka Deegaanka Bali dhidin ee Gobolka Bari lagula eegtay gaadiid ay la socdeen Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari.
Kolonyada Gaadiidka ah oo lala eegtay qaraxyada miino ayaa ka ambabaxay degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxa ku geeriyootay hal askari halka laba kale ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxyada aysan wax qasaaro ah kasoo gaarin mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka Puntland, balse qaraxyada kadib la maqlayay rasaas farabadan oo ay ridayeen Ciidamada.
Mas’uuliyiinta qaraxyada lala eegtay ee kala ah Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari & laamaha Amniga ayaan weli ka hadlin qaraxyadaas, waxaana la sheegay in wafdiga iyo Ciidamada ay socdalkoodii sii wateen, isla markaana askarta dhaawaca ah la geeyay isbitaalka degaanka Bali dhidin ee Gobolka Bari.
Dhowr jeer ayaa mas’uuliyiin iyo askar ka tirsan Maamulka Puntland waxaa qaraxyo lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Bari, waxaana mas’uuliyada qaraxyadaas sheegtay Al-Shabaab & Kooxda Daacishta Soomaaliya.