Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Muqdisho

0
405

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madooobe)   oo ka yimid Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha oo hogaaminayay wafdi ka kooban labada gole ee Jubbaland ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho kaga qeyb galayaa shir ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis  Xasan Maxamed ( laftaagreen) halka saacadaha soo socda la filayo inay magalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad goboledyada kale ee dhiman.

Shirka ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka iyo howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.