Farmaajo oo markan Luminaya garabkii uu ku Taagnaa

0
334

Waxaa sii adkaaneysa xaaladda siyaasadeed ee dalka, cabsi dagaal, qas iyo fowdo ayay shacabku ka wal wal qabaan,madaxduna waxay ku jiraan loolaankii ugu danbeeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sarkaal u qaabilsan dabagalka siyaasiyiinta iyo maleegitaanka qorshayaasha amni xogta lagu hayaa inuu luminayo.

ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in teliyihii Dabagalka NISA Cabdullahi Dheere uu kugacan seerey in uu qeyb kanoqodo weerarka Teliyihii Gobolka Saadan Joon.

warar hoose ayaa sheegaya in Col. Cabdullahi Dheere oo katirsan CIA da mareykanka laguna timaamo fileka madow ee farmaajo cadaadis kala kulmey safiirka Cusub ee mareykanaka.

Sarkaalkan ayaa xogtu sheegeysaa in lagu amrey in uusan ku milmin arimaha siyaasada isla markaana dhexdhaxaad ka noqodo,

Amb. Larry Edward Andre safiirka cusub ee soomaaliya ayaa larumeysan yahay in siyaasad ahaan ka duwan yahay Donald Yamomoto waxaana durba muuqanaya in siyaasada Mareykanka ee ku aadan soomaaliya isbedel wayn lagu sameyn doono.

Sarkaalkan oo la aaminsanyahay in uu siro badan hayo ayaa hadii uu kasoo horjeest waxay dharbaaxo wayn ku noqon doontaa madaxweyne Farmaajo, waxaana maalmihii u danbeeyey muuqanaysey in Col. Cabdalla Daahir u badnaa Dalka Dibadiisa oo uu ka maqnaa gudaha dalka.