KHILAAF SABABEY IN BAASABOORKA LAGA XANIBO KULANE JIIS.

0
332
  • Xogo hoose ayaa muujinaya in uu khilaafka meel sare gaarey kadib markii Cabdulahi Adan kulane, Jiis Marixaan iyo Teliyaha Dabagalka NISA Cabdahi Dheere ay isku maan dhaafeensida laga yeelayo mucaaradka dowladda.

Jiis mariixaan ayaa lasheegey in uu ku eedeeyey Teliyaha Dabagalka in uu ka gaabiyey howlihii loo ig madey ee ahaa in mucaaradka Dowlada ladhimo awoodooda isla markaana la adeegsado hab kasta si looga faaideysto mudada kooban ee Dowladu haysato.

Teliyaha Dabagalka ayaa lasheegey in uu ka caroodey hadalka Cabdullahi kulane oo ah sarkaal awood badan ugana digey in uu faraha lasoo galo howlihiisa shaqo hayeeshee Kulane Jiis ayaa lasheegey in uu ku jees jeesey Sarkaalkan taas oo sababtey in halkaasi hadalo kulul laisku dhaafsado.

Teliyaha Dabagalka oo ah sarkaal wajiyo badan kana tirsan CIA-da ayaa lasheegey in Teliye kulane ka xanibey Baasaboorkiisii mareykanka ahaa isagoo ku hanjabey in uu dibada keeni doona danbiyada uu galey Cabdullahi Adan Kulane.

MD Farmaajo ayaa lasheegey in uu soo dhexgaley arintaas isagoo ku amrey Kulane Jiis in uu raali gelin kabixiyo hadalada hase yeeshee Fahad yaasiin ayaa lasheegey in uu daawade ka noqodey is qabqabsiga saraakiishan

waxaa muuqata in mad madow soo kala dhexgaley madaxda sare ee Hay’da NISA xilli dalka uu galey xaalad hubanti la’aan ah