5 Qof Oo Ku Dhimatay Toogasho Ka Dhacday Mareykanka

0
404

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in 5 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ku dhinteen toogasho ka dhacday gobalka South Carolina ee dalkaas.

Booliska ayaa intaas ku daray in qof kale dhaawac halis ah kasoo gaaray weerarka loona qaaday isbitaalka.

Booliska ayaa mar danbe soo qabtay qof lagu tuhunsanyahay inuu weerarka geystay  oo ku dhuumaaleysanaayay guri u dhaw goobta ay wax ka dhaceen.

Dadka dhintay waxa ugu weyn qof 70 jir ah waxaana u yar cunug jira 5 sano sida lag soo xigtay laamaha denbi baarsita ee Mareykanka.