Shirkii wadatashiga doorashooyinka oo uu ku baaqay Farmaajo oo dib u dhacay

0
365

Dhawaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ku baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in lagu qabanayo magaalada Garowe, hayeeshee shirkaasi uu dib u dhacay.

Maanta oo ku beegan 15-ka Bisha Febaraayo ayuu qorshuhu ahaa in shirkaasi uu ka furmo Magaalada Garoowe, balse uu u baaqday sababo la xiriira in puntland ay sheegtay in aan lagala tashan ayna dooneyso in Muqdisho lagu qabto, waxaana ku raacay Maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta.

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu shalay wareegto ku Magacaabay guddi farsamo oo ka kooban 14 Xubnood, kuwaas oo ka kala socda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo Maalinta berito ah shir ku yeelanaya Magaalada Baydhabo.

Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Xubnaha Guddiga ayaa shirkooda waxaa ay uga hadlayaan sida uu u dhici lahaa shirka madasha wadatashiga Madaxda dowladda, ajandayaasha looga hadlayo iyo goobta rasmiga ah oo lagu qabanayo, in kastoo weli dowladda Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in lagu qabanayo Magaalada Garoowe.

Maalmo ka hor qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan aaminsaneyn in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanayo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah.