Warar soo baxaya oo lagu kalsoo yahay ayaa sheegaya in maanta ay magaalada Baydhaba ku wajahan yihiin guddiyo farsamo oo ka kala socda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Xubnahaas ayaa Baydhaba u tegi doona si ay uga shiraan qodobada la isku haayo ee saldhigga u ah heshiiskii doorashada ee17-kii September.
Xubnaha maanta ku wajahan Baydhaba ayaa ka kooban min laba qof oo ka kala socda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay fududeyneyso qabsoomidda shirkaas Baydhaba uga furmaya guddiyadan kala metelaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Iyadoo markii ay soo turxaan bixiyaan qodobada la isku hayo, xalkooda lagu soo celi doono shirka u qabsoomi doona madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Markii la turxaan bixiyo qodobada la siku hayo ee lagu heshiiyo waxay xogtu sheegeysaa in la qaban doono munaasabad weyn oo lagu kala saxiixa doono heshiiskii la gaari, taas oo aan illa hadda goobteeda la cayimin.