Midowga Musharixiinta oo kulan deg deg ah yeeshay

0
479

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo tallaabadii dad banaanbaxayaal ahaa Nin ku hubeysnaa Bustoolad uu ku rasaaseeyay.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta  Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay kulankoodii maanta ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin, si adagna u cambaareynayaan falkii shalay Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida ay kula kaceen gabdho Soomaaliyeed oo aragtidooda si nabad ah u dhiibanayay.

Waxaa uu sheegay in falkaasi uu kamid yahay caburinta isa soo tareysa oo  ay dowladda federaalka ku heyso shacabka ku dhaqan Muqdisho ee banaanbaxa ku muujinaya aragtidooda ku aadan arimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha ayaa Ciidamada dowladda ugu baaqay in ay sharciga ilaaliyaan oo aan si qaldan loogu adeegsan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ay mus’uuliyadda amnigooda qaadeen.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa banaanbaxyo kooban waxaa ay siyaabo kala duwan uga dhaceen meelo kamid ah muqdisho, waxaana intooda badan rasaas ku kala eryay Ciidamada dowladda Soomaaliya.