Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in sirdoonka durkiga ay soo gaarsiiyeen dhigooda soomaaliya 6 diyaaradood nooca Drone-ka loo yaqaano ee casriga ah.
18 december 2020 ayaa lasheegey in ay soo caga dhigatey Aden Ade Inter, airport Diyaarad Sidey saraakiil sare oo katirsan mukhaabaraadka Turkiga, kuwaas sirdoonka Soomaaliya ku wareejiyey 6 diyaaradood oo Drone ah oo dhawaan dalka turkiga soo saarey.
Teliyaha Hogaanka Dabagalka NISA Cabdalla Daahir iyo Teliyaha waaxda arimaha Dibada NISA Liibaan Daahir ayaa kala wareegey Qalabkan Saraakiisha Turkiga sidey.
Xogo hoose ayaa sheegaysa in durba la howl geliyey 2 kamid ah diyaaradaha Drone-ka isla markaana loo direy Gobolka Jubada Hoose Gaar ahaan magaalooyinka Kismaayo, Dhoibley iyo Afmadow si ay xog buuxda ugu keenaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee maamulka Jubaland kawado halkaasi.
saraakiil katirsan NISA oo magacooda qariyey ayaa tilmaamay in ay doonayaan in ay gacanta kusoo dhigaan madaxweynaha maamulka jubaland si bay yiraahdeen looga adkaado Dowlada Kenya.
Drones kan ayaa lasheegey in ay awood uleedahay in ay is Qariso sida F16 ka ayadoo aqoonsanaysa Raadeerkeeda waxaana xawaareheeda lagu qiyaasey in ay jari karto saacaadiiba kun iyo lix boqol mitir (1600KM/1Houre ).
Qaar kamid warbaahinta Turkiga ayaa soo bandhitey macaluumaadkan kusaabsan Drones waxeyna sheegeen in goordhow ka howl gali doonto si ay gacan ugu geysato difaaca xuduudaha Dalka Soomaaliya.
DF soomaaliya oo dagaal ba’an kula jirta maamulka jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa marar badan u adeegsatey awoodo ciidan si ay meesha uga saaraan madaxweynaha Maamulkaasi waxeyna tani kamid noqon doontaa awoodii ugu weyneyd oo DF u adeegsato dana heeda gaarka ah.
saraakaal katirsan NISA oo ku hayb ah Madaxweynaha Jubaland oo kasoo horjeedey ayaa lasheegey in lagu qanciyey in meesha laga saaro madaxweynaha Jubaland balse lakeeni doono qof isaga ku hayb ah.
Col. Cabdallah Daahir oo ah sargaal awood badan isla markaana heesta hogaanka Dabagalka ayaa lafahamsanyahay in uu hada horboodaayo howl galka dowlada ay ku dooneyso in ay xilka kaga tuurto Hogaamiyaha awooda Badan ee Jubaland Axmed Madoobe walow aan lasaadaalin karin natiijada Dagaalka hadana waxaa la rumeysan yahay in sargaalkan yahay shaqsi aad u madax adag kuna wanaagsan qorshayaasha dagaalka.
DF ayaa u muuqata mid labo jibaareysa cadaadiska ay ku hayso maamulka Jubaland ayadoo ku candacooneysa in uusan sharci ahayn.