Goobaha Ganacsiga Magaalada Garoowe oo xiran & bannaabax ka dhacay

0
372

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta Inta badan ay xiran yihiin Goobaha  ganacsiga Magaalada.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeysay, kadib markii uu kor u sii kacay sarifka doolarka sidoo kale la xadiday lacagta danabaysan ee shirkadaha Isgaarsiinta.

Goobaha Ganaciga ee Magaalada Garoowe ee Maanta xiran ayaa waxaa kamid ah Suuqyada khudaarta iyo hilibka ee Inji, bacadlayaasha iyo inta badan goobaha kale ee ganacsiga Magaalada.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay banaanbax ka dhigeen wadooyinka qaar ee Magaalada, iyaga oo ka cabanaya maciishada oo sii qaaliyoobaysa, sarifka oo aan fadhin iyo lacagta danabaysan oo la xadiday.

Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ku dhaliileen Xukuumadda Puntland inay ka gaabisay waxka qabashada cabashada dadka danta yar, isla markaana tallaabo ay ka qaado dadka sariflayaasha ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan booliska Puntland la dhoobay wadooyinka qaar ee Magaalada, iyad aoo lag cabsi qabo in banaanbaxyada ay isku bedelaan kuwo rabshado wata.