Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Gudaha Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa ay ka Bilaaabeen howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka hubka ku dhex-wata Gudaha degmadaas.
Ciidamada oo isugu jira Boolis, Millateri ,iyo Nabadsugid ayaa dadka hubeysan ee ku sugan degmada Cabudwaaq ku amray in magaalada aysan ku dhexqaadan Karin wax hub ah.
Ibtii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada kala duwan waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag hubeysan oo watay dharka Shacabka, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Cabudwaaq.
Howlgalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kaddib markii todabaadkii hore gudaha degmada Cabudwaaq lagu dilay laba qof oo Shacab ahaa halka qof dumar ah lagu dhaawacay, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaasi weliu ay ku raad jogaan laamaha Ammaanka.