Cismaan Barre Oo Ka Hadlay Xildhibaanada Cusub Ee Hirshabeelle

0
457

Guddiga Farsamada ee soo xulista ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhawaan ku dhawaaqay Liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka kooban 90 xubnood, waxaan ay intooda badan yihiin kuwo Cusub, halka qaar kalena oo ka tirsnaa Baarlamaankii hore dib loo soo celiyay, iyadoona laga reebay Guddoomiyihii hore ee Cismaan Barre Maxamed iyo  ku-xigeenkiisii Koowaad.

Sheekh Cismaan Barre oo Qoraal soo saaray ayuu maalmo kadib uga hadlay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo Maanta la filayo in xilka loo dhaariyo.

Guddoomiye hore Cismaan Barre ayaa Hambalyo u diray Mudanayaasha  Cusub, iyagoona Alle uga baryay inuu u fududeeyo xilka loo idmaday iyo Waajibaadka Culus ee Dastuuriga.

“Waxaan u Hambalyeynayaa Dhammaan inta nasiibka u yeelatay iney kamid noqoto Baarlamaanka 2-aad ee Dowlad Goboledka Hirshabelle. Waxaan Alle ugu baryaa inuu ufududeeyo xilka loo igmaday iyo waajibaadka Culus ee Dastuuriga ah” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre oo aan kamid noqon Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa la filayaa in Maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona loo dhaarin doona xilka, sidoo kalena dooran doona Guddoomiye KMG ah.