Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka doodaya qaraarkii Xukuumadda ee Arrinta Qalbi Dhagax.

0
665

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho, iyagoo ka doodaya qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii Sarkaalkii ka tirsanaa ONLF oo bishii hore dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Kulankii Sabtidii la soo dhaafay ayaa kooram la’aan u baaqday, waxaana kulanka maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in kooramka uu u dhameystirmo, maadaama Xildhibaano badan ay dalka dib ugu soo laabteen.

Arrintan oo ka dhalatay xiisad siyaasadeed iyo dood kulul ayaa hareysay hey’adaha kala duwan ee dowladda, iyadoo Xildhibaanada golaha shacabka ay ku kala qeybsan yihiin go’aanka Xukuumadda qaadatay 6-dii bishan, waxaana ay isugu jiraan kuwo diidan iyo kuwa taageersan.

Warar ku dhow dhow Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in kulanka maanta intiisa badan ay noqon doonto dood laga yeelan doono qaraarka Xukuumadda, waxaana is qori doono Xildhibaanada labada dhinac ee Kiiskan ku kala qeybsan.

Sidoo kale warar kale ay heleyso radio.cadaado sheegaya inay u badan tahay in dooda ay dheeraato ama Guddoonka uu arrintan u xil saaro Guddiga Joogtada Golaha shacabka oo kama dambeys go’aan ka qaadan doona qaraarka Xukuumadda gaartay.

Lama oga sida uu xaal noqon doono, waxaana tan iyo xalay magaalada Muqdisho ka socday olole aad u xooggan oo Xildhibaanada ugu jireen kulanka maanta.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa labadii maalmood gashay olole ay ku dooneysay in kiiskan ku difaacdo, isla markaana Xildhibaanada ay ka dhaadhicineysay sidii ay u taageeri lahaayeen, waxaana cabsida Xukuumadda ka qabto kiiskan uu yahay in haddii la diido uu soo wajahayo culeys siyaasadeed.

Madaxda dowladda ayaa waday dadaalo ay arrintan xal uga gaarayeen, iyagoo kulamo la yeeshay Xildhibaanada qaar, inkastoo kulamada qaar ay ku dhamaadeen is faham la’aan, markii la isku mari waayay qodobo ka mid ah arrinta Qalbi Dhagax iyo go’aankii Xukuumadda ka soo saartay

Si kastaba ha ahaatee dadka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya go’aanka kama dambeysta ah ee uu gaari doono golaha shacabka.