Madaxweynaha Eriteriya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay Itoobiya

0
434

Madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki ayaa saaka booqasho ku tagay dalka Itoobiya halkaas oo uu ku joogi doonto booqasho shaqo oo qaadan doonta muddo Saddex maalmood ah.

Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Jimma Aba Jifar, waxaa ksoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Addis Ababa.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Dibada Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Yemane Ghebreab, sida uu sheegay Yemene Gebremeskel, Wasiirka Warfaafinta Eritrea.

Madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki & Ra’iisul Wasaaraha itoobiya ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga gobolka.

Ra’iisul Wasaare Dr Abiy Axmed ayaa  wuxuu booqasho tan la mid ah ku tagay Eritrea bishii August ee la soo dhaafay, iyada oo labada dal oo noqdeen kuwo xiriir dhow yeeshay.