Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0
500

Ciidanka  Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabellada Hoose ayaa Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida uu sheegay in lagu dilay Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgalkaas lagu dilay  17 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,sidoo kale ay burburiyeen Xarumo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, wallow faah faahin dheeraad ah aysan biixn.

Taliye Axmed ayaa Magaca Sarkaalka  la dilay ku sheegay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer gaabshe isago oo Al-Shabaab u qaabilsanaa heynta iyo tuurista hoobiyaasha.

Warkaan kasoo yeeray saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaano iyo degmooyin ka irsan gobolkaas ay mararka weeraro ka geystaan Ururka Al-Shabaab.