Laascaanood: Carruur ku geeriyootay Goob lagu dabaasho oo ay ku dhaceen

0
496

Wararka laga helayo Magaalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in laba Carruur Walaalo ah ay geeriyoodeen, kadib markii ay ku dhaceen meel Biyo ku jiraan oolagu dabaasho.

Goobta ayaa waxaa las heegay in markii hore ku dhacay mid kamid ah Carruurta, balse midka kale oo doonayay in uu soo badbaadiyo Walaalkiis uu isagana ku dhacay, isla markaana labadaba ay halkaasi ku geeriyoodeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in labada Carruurta ah oo da’dooda ay kala aheyd 8 iyo 9sano ay meydadkooda kasoo saareen Goobtii ay Biyaha ku jireen ee lagu dabaalan jiray, isla markaana ay Aaseen.

Dhacdooyinka lax iriira Carruurta ku dhacda meelaha Biyaha ay galaan ee lagu dabaasho ayaa mararka qaar waxaa ay ka dhacaan degaannada Miyiga ah ee Soomaaliya, iyada oo ay tahay arrintaasi mid soo lab laabatay.