Ciidamada booliska Gaarka ah ee haramcad oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ku sugna yihiin Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa ay sigaar ah Ciidamada uga fuliyeen degaannada Ceel Garas iyo God dhurwaa oo dhamaantood Hoos taga degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, halkaas oo la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Gaarka ah Ee Haramcad Cabdixamid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) ayaa howlgalka hoggaaminayo, waxaana uu sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay uga hortegi lahaayeen dhaq dhaqaaqyada ay Al-Shabaab ka sameeyaan inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Dhuusamareeb & Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Dhaqaan degaano duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa uu dagaal culus ku dhex-maray Ciidamada Dowladda 7 Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii degaannadaas ay weerareen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.