Shabaab oo xukun dil ah ku fuliyay nin 44 sana jir ah

0
475

Maxkamadda Al-Shabaab ee ku taalla Ceelcali Hiiraan ayaa xukun dil ah ku fulisay nin Shabaab ku eedeeyeen in uu dil ka geystay degaano hoos yimaada degaankaasi uuna dilay ninkale.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in raggaan ay qirtay falka lagu soo eedeeyay ,islamarkaana xukunkooda uu noqday dil.

Maxkamadda Shabaab ayaa xukun dil ah ku ridday Xasan Aadan Cali oo 44 sana jir ah kaas oo horay si bareer ah ugu dilay Xasan Cismaan Ibraahim sidda Maxkamadu sheegtay.

Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.

Xukunada noocaan oo kale ah ayeey Shabaab ka fuliyaan Gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinaayo inuu sameeyay qiraal.