Dowladda Vietnam ayaa ugu baaqday beesha caalamka in Dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan fududeynta dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale iyo la tacaalidda baahiyaha bini’aadannimo.
Dang Dinh Quy, Madaxa Ergada Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay fadhiga Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee maaliimadii shalay looga hadlay xaaladda Soomaaliya,ayaa ugu horeyn wuxuu ka tacsiyadeeyay dhibaatooyinka Soomaaliya ay la kulantay,gaar ahaan musiibooyinka badan ee ayax, daadadka iyo masiibada COVID-19.
Ergeyga ayaa ka dhawaajiyay sida uu u taageersan yahay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ka geysaneyso abaabulka doorashada, wuxuuna ugu yeeray dhammaan dhinacyada inay xoojiyaan wadahadalka iyo is aaminaadda,isagoo dhinaca kalana ku adkeeyay in lala yimaado midnimo iyo dib-u-heshiisiinta qaran ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.
Madaxa Ergada Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay, wuxuu cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsanayaan, ciidamada nabadgelyada iyo shaqaalaha iyo xafiisyada UN-ka, oo wacadku maray gacansiinta Dadka Soomaaliya.
Ergeygu,waxa uu Dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay sii wadaan dadaalada looga hortagaayo dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka dhashey saameynta fatahaadda, ayaxa iyo masiibada COVID-19,isagoo dhinaca kalena xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysaneyso xalka Soomaaliya.