Faah Faafin:-Dagaal Ka Dhacay Gobolka Gedo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
448

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab uu ka dhacay Gobolkaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Dagaalka ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaalkaasi uus socday  muddo saacado ah.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday sida la shegay saldhigga ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin Baardheere, dad goob joogyaal aha yaa sheegay in ay maqlayeen rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayeen.

wali ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaana dadka degaanku sheegayaan in aan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagalka dhexmaray  Ciidanka dowladda ee ku sugan Baardheere iyo Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkaas Al-shabaab uga yimid, waxaana intaas ay ku dareen in aysan jirin wax khasaare oo soo garay ciidanka dowladda, balse waxaa ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday saldhigga ay kaga sugan yihiin Baardhere.

Al-shabaab wali kama hadal dagaalka la sheegay in uu ka dhacay Gobolka Gedo, mana jiraan cid ka madax bannaan Saraakiisha ciidanka dowladda oo xaqijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.