Maamulka K/Galbeed & Culimada oo ka shiray falkii ka dhacday Baydhabo

0
452

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) iyo Wasiir Ku-xigeen Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Barre Aadan Cabdi ayaa kula kulmay Culimada Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wasiirada iyo Culimadaayaa waxaa kulankooda qeyb ka ahaa qaar Kamid ah Imaamyada Masaajidyada ku yaalla Magaalada Baydhaba, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan gaar ahaan Dhacdooyinkii Foosha xumaa ee ee faraxumeynta ahaa ee ka dhacay Baydhaba iyo sidii Culimada Doorkooda wacyigelineed uga qaadan lahaayeen Arrimahaas

“Culumada waa Indhaha Bulshadeenna, waxa ay hormuud ka yihiin tallaabo kasta oo Dowladda u qaadeyso dhanka Horumarka, Cadaaladda iyo Amniga. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa Ka Go’an ka mira dhalinta dadaallada Culimada iyo sidii loo Joogteyn lahaa ka talagelintooda ku Aaddan qorsheyaasha lagu Horumarinayo Bulshada Koonfur Galbeed ” ayuu yiri Wasiir Ilyaas Saciid Cali.

Maalin ka hor ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa lagu toogtay laba Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay faraxumeeyeen laba carruur ah oo midkood faraxumeyn loo geystay uu u geeriyooday.