Madaxweyne Deni oo Amar-siiyay Guddiga Amniga Puntland

0
471

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni aayaa guddoomiyey Shirka Guddiga Nabadgelyada degaannada Puntland, oo looga hadlay guud ahaan amniga iyo dardargelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo.

Shirka oo ku qabsoomay beerta nasashada ee Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaa ka qeybgalay Saraakiisha laamaha amniga , Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku siiyay Xubnaha Gudiga Amniga Puntland inay dar dar geliyaan howlaha Amniga,isla markaana ay ka hortagaan falalka amni darro ee ka dhaca Gobolkaas.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Waqooyi o ay Puntland maamusho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro, iyada oo sanadkaan gudihiisa Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay qarax lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka MUDUG Puntland Axmed Muuse Nuur.