Maxaa ka Cusub Maanta Magaalada Dhuusamareeb?

0
534

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soconaya qaban qaabadii ugu dambesay furitaanka shirka wadatashiga madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka iyo marxalada kala guurka ah.

Shalay waxaa gaaray madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo sidoo kale guddiga farsamada ee sameynta habraaca doorasha oo maalmahaan ku shirayay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Dhuusamaareeb waxaa ku suga madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koofur -Galbeed iyo Hirshabeelle ee kala ah Cabdicasiis xasan Maxamed (Lafta-Gareen) Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale wasiiro heer federaalka iyo heer dowlad goboleed.

Waxaa saakay ku wajahay magaalada dhuusamareeb Madaxweynayaasha Dowlada goboleedyada Punland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)