Waxaa lagu dhawaaqay Xisbi uu hogagamiye ka yahay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle, kaas oo lagu Magacaabo DAN Qaran (National Interest Party.
Xisbigaan ayaa waxaa uu kamid noqonayaa Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka, isla markaana doorweyn ku yeelan doona isbedelada Siyaasadeed ee ka jira dalka,waxaana Xaruntiisa Dhexe ay ku taallaa Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in uu buuxinayo dhamaan shuruudaha Xubunimo ee ku cad Sharciga dalka si uu uga qeyb qaato tartanka Siyaasadeed si loo gaaro himilooyin Qaran.
Hoos Ka Akhriso U jeedka loo Aas’aasay Xisbiga DAN Qaran (National Interest Party.