Guddoomayaha Aqalka Sare oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo

0
448

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ku xad Gudbay Dastuurka dalka,kadib hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu shalay ka sheegay fadhigii Golaha Shacabka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in golaha Shacabka uu kusoo celin doono waxyaabihii kasoo baxa Wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb uu ahaa mid khalad ah.

“Madaxweynaha miyuusan ogeyn in uu madax ka yahay dal qaatay lama atam oo leh laba baarlamaan,waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka dalka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha Baarlamaanka labada Aqal ayuu yiri” Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu eedeymo kala duwan uu u jeediyay Madaxweynaha  Soomaaliya, sidoo kale horay u sheegay in la bedelay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay meel mariyeen.