Puntland oo si adag uga hadashay Howlgalkii maanta ka dhacay Gaalkacyo

0
530

Masuuliyiinta maamulka Puntland ee ku sugan Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay Howlgalkii maanta ka dhacay magaaladda, ee uu ku geeriyooday Taliyihii Madaxtooyada iyo Askari kale.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalka uu sii socon doono tan iyo inta kooxaha Maandooriyaha ka ganacsada laga suulinaayo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire, Taliyaha Ciidamada Booliska Gen Cabdi Yare iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare ayaa dhammaantood si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in Dowladda ay ka go’antahay soo afjarida wax kastoo lidi ku ah amniga Gobolka oo maandooriyihu u horeeyo.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaar ka mid ah Kooxihii ku sugnaa goobta la weeraray gacanta lagu dhigay sidoo kalena si buuxda loola wareegay halkaasi ay ku sugnaayeen.

Waxay Shacabka Gobolka iyo odeyaasha dhaqanka uga mahadceliyeen, sida wanaagsan ee ay dowladda ugula shaqeynayaan Amniga iyo horumarka Gobolka.