Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay goob loogu Talagalay in laga dhigo Biya-qabad

0
453

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta dhagax dhigay goob loogu Talagalay in laga dhigo Biya-qabad laguna maareyn doono biyaha roobka, taasi oo laga hirgalin doonaa wadada horumarta dugsiga tababarka General kaahiye iyo inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan.

Dhagax dhiga guddoomiyaha gobolka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ,Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Jakeeti iyo guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariin Maxamuud Gabeyre.

Mashruucaan biyo mareenka ayaa waxaa loo dhisayaa si casri ah,iydoo loo sameynayo tobooyin biyaha geynayay Badda maadaama ay muddooyinka halkaasi ay noqotay goob biyo fariisin ah xilliyada roobka, isla markaana ay tahay marin muhiim u ah bulshada degmada Xamar jajab iyo sidoo kale garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.