Madaxweynaha K/Galbeed Oo La Kulamay Odeyaasha Beesha Mudullood + Sawiro

0
484

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Hoyga uu ka Deganyahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ku qaabilay Odeyaasha Beesha Muddullood oo Caawa Salaan iyo ka mahadcelin ka qeybgalkii Shirkii Beesha Mudulood uu ka qeybgalay Madaxweynaha ay ugu imadeen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qaabkii wanagaasanaa ee shirku u socday iyo sida uu kaga soo qayb galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka mid ahaa madaxdii  shirka lagu casuumay, isagoo khudbad ka jeediyay shirweynihii beesha Muddullood ee dhawaan muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

Waxaa sidoo kale kulanka caawa qayb ka ahaa Odayaasha dhaqanka maamulka Koonfur Galbeed.