Ciidamada Booliska Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa ay dileen laba qof oo Shacab Soomaali ah, xilli ay ku sugnaayeen Suuqa Xoolaha Magaalada Gaarisa. Dilka labada Qof ee Somaalida ah ayaa yimid,kadib markii Suuqa xoolaha ee Magaalada Gaarisa ay soo galeen Ciidamo ka tirsan booliska Kenya,kuwaas oo baadi-goobayay rag dabiilayaal ah, isla markaana rasaas ay fureen ay ku geeriyoodeen laba qof oo rayid ah. Ciidamada ayaa sidoo kale xiray Suuqa Xoolaha Magaalada gaarisa,waxaana dilka labada qof ka dhashay rabashado ay sameeyeen dadka Shacabka ee Magaalada Gaarisa gaar ahaan Soomaalida, kuwaas oo dalbanayay in cadaalad loo helo dilkaas. Qaar kamid ah Soomaalida Magaalada Gaarisa ayaa waxaa ay sheegeen in dadka la dilay ay ahaayeen kuwo dalaal ka ahaa Suuqa Magaalada gaarisa,waxaana ay dalbadeen in dowladda Kenya ay tallaabo ka qaado askartii dilkaasi ka dambeeysay. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadii dadka Shacabka ahaa dilay ay goobta ka baxsadeen,isla markaana banaanbaxyo ka dhashay dilkaasi ay sababtay in qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa Magaalada Gaarisa hantidooda la boobo. Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa Bartiisa Twitter-ka ku qoray in gacanta lagu soo dhigo Saraakiisha dilka u geystay dadka Shacabka ahaa ee ku noolaa Magaalada gaarisa,isla markaana talaabo laga qaado. Suuqa Weyn ee Magaalada Gaarisa ayaa Maanta xiran,waxaana dad ka carooday dilka labada qof ay taayaro ku gubeen wadooyinka laga galo suuqa, iyaga oo diiday in Suuqa la galo lagana baxo.

0
528

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in tallaabada Madaxweyne Farmaajo & Xildhibaannada Golaha Shacabka ay xilkii uga qaadeen wasiirkii Koowaad ee Xukumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyre, kaas oo shalay si deg deg ah ay Xildhibaannada kalsoonida ugala laabteen.

War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaas ay tahay sii kordhineysa xiisada siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay wiiqeyso hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka. , iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.

Waxaa sidoo kale Mareykanka uu sheegay in Deganaanshaha Soomaaliya, xasilloonida, iyo barwaaqada lagu dhisi karo keliya iskaashi, isuduwid, iyo isu tanaasulidda hoggaamiyeyaasha Soomaalida dhexdooda ah.

“Safaaradda Mareykanka waxay sii wadaysaa inay carrabka ku adkeyso in dariiqa kaliya ee loo maro waqtigii loogu talagalay, nabad, doorashooyin federaali ah oo la hirgalin karo ay tahay wada tashi ballaaran iyo wada hadal wax ku ool ah oo dhexmara daneeyayaasha. Samaynta qaab doorasho oo la wada shaqeyn karo, oo la aqbali karo oo muhiim ah ayaa fure u ah dhowrista amniga iyo xasilloonida Soomaaliya aya alagu yiri” Warka Mareykanka.

Ugu dambeyn Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, hay’adaha, iyo daneeyayaasha ugu baaqday inay ka shaqeeyaan danaha ugu wanaagsan ee waddankooda,isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Mareykanka ee ku aadan inay walaac ka muujinayaan qaabka xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hadana Kheyre oo Warbaahinta la hadlay uu aqbalay xilka qaadistaas.