Madaxweynaha Jubbaland iyo Ergeyga Qaramada Midoobey oo Kismaayo ku kulmay

0
945

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa maanta shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay magaalada Kismaayo, iyagoo uga hadlay arrimo dhowr ah, kadib kulan ay wada yeesheen.
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in horumar dhinaca ammaanka uu ku tallaabsaday maamulka Jubbaland, isagoo ugu baaqay in la sii xoojiyo nabadgelyada iyo maamul wanaaga.

“Horumar aad u ballaaran ayuu ku tallaabsaday maamulka Jubbaland, afar sanood ayaa ka soo wareegatay markii Al-Shabaab laga saaray Kismaayo, maantana waxaa ka jira dib u dhis”ayuu yiri Micheal Keating.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo Danjire Micheal Keating ay ka wada hadleen ammaanka, horumarka iyo la dagaalanka Al-Shabaab

Axmed Madoobe ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana loo midoobo.

keating-madobe