Ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa xaqiiyay in xubno ka mid ah Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Mudug ay isku dhiibeen Ciidanka dowladda ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug.
C/casiis C/laahi Cabdi Qooje Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in Sadex dagaallame oo ka mid ah Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka ku sugan degaanka Bacaadweyne oo hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Taliyaha ayaa xusay in ay lasoo xariireen Ciidanka, islamarkaana ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen, loona sameyn doono dhaqancelin.
Waxaa uu xusay in Ciidanka xoogga dalka ay gaabiga ku hayaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ka xorreeyaan Al-Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Sheegashada Ciidanka dowladda ah in ay gacanta ku hayaan xubno ka mid ah Al-Shabaab.
Ciidanka xooga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaano ka mid ah gobolka Mudug oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.