Ciidamada Jubbaland oo weerar ku qaaday xubno Al-shabaab oo ku sugan duleedka Dhoobley

0
512

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku uriursanayey meel Dhoobley u jirta ilaa 10KM.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo la hadlay KNN ayaa waxa ay sheegeen in khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al shabaab, kadib weerar ay ka fuliyeen duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Jubbaland ayaa haatan dhaqdhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose.

Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helay dagaalka.