Madasha Xisbiyadda Qaran oo shaacisay go’aankeeda ku aadan guddiga Aqalka Sare

0
501

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalla sare, kaasoo ka shaqeynaya isu keenida Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo qabsoomida shir wadatashi looga arrinsanayo doorashooyinka.

“Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka” ayuu yiri Shariif.

Waxaa uu sheegay in ay taageeri doonaan dadaallada Aqalka Sare sidda uu sheegay Shariif Sheekh Axmed.

“Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah” ayuu yiri Mar kale Shariif.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo”