Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxame Cabdi Waare ayaa sheegay inay qorsheynayaan in la sameeyo siyaabo dhowr ah oo looga hortagayo fataahadaha soo laab laabtay ee uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
Waxaa uu sheegay in Wabga uu u baahan yahay qodis iyo in la sameeyo Buundooyin dhowr ah si looga hortago fatahaada oo sababa khasaaro hantiyeed, mid nafeed iyo barakaca Boqolaal kamid ah Shacabka Magaalada Beledweyne.
Sidoo kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray inay muhii tahay in Dowladda Itoobiya lagala xaajoodo ka hortegista fatahaadaha maadaama wabiga uu GobolkaHiraan uga yimaado dalkaasi Itoobiya.
Wabiga Shabeelle ee mara Magaalada Beledweyne ayaa sanad walba waxaa uu sameeyaa fatahaad ababta in dadkii ku noolaa Magaaladaasi Beledweyne ay u barakacaan deegaanka Ceel-jaale ee duleedka Magaaladaas.