Inta badan xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay Axaddii in ay taageerayaan kala dirista waaxda booliiska magaalada, tallaabadan oo imanaysa iyadoo gobolka uu bilaabay baaritaan ku aadan haddii lagu xadgudbay xuquuqda madaniga ah ka dib dilkii George Floyd loogu geystay magaaladaasi 25-kii bsihii hore.
Sagaal ka mid ah 12-ka xubnood ee golaha deegaanka oo ka qeybgalay debedbax ka dhacay magaalada ayaa wacad ku maray in ay soo afjari doonaan jiritaanka waaxda bilayska ee Minneapolis. Xubin ka tirsan golaha degaanka, Jeremiah Ellison, ayaa ballan qaaday in goluhu uu “baabi’in doono” waaxda booliska.