Tiradda dadka uu soo ritay Covid 19 ee dalka Jabuuti oo sare u kacday

0
463

Wasaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta shaacisay in 280 kiis oo cusub oo Fayraska Korona ah dalkaasi laga helay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Tiraddaasi ayaa ah mid sarreysa marka loo eego todobaadyadii la soo dhaafay oo uu dalkaasi u muuqday mid guul ka gaaray xakameynta Fayraska.

Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay in 26,366 qof oo ay ka baartay cudurka laga helay 3,194 qof, halka 1,286 dadkaasi kamid ah ay ka biskoodeen xanuunka.

Tirada dadka cudurka ugu dhintay dalkaasi ayaa hadda gaartay 22 qof.

Jabuuti oo tirada dadkeeda lagu sheego inay ku dhawdahay milyan qof ayaa waxa ay diiwaangelisay kiisaska ugu badan ee Bariga Afrika.

Jabuuti ayaa dhawaan khafiifisay xayiraad ay dalkeeda kusoo rogtay Fayraska Korona awgii, waxaana khubarada caafimaadku ay sheegayaan in shacabka badankood aanay fulin talooyinka caafimaadka ee ay kamidka yihiin gacma dhaqashada iyo kala fogaanshaha.