Senator Muuse Suudi oo walaac ka muujiyay in dowladda loo daayo baaritaanada dhacdadii Gololey

0
510

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo dhalinyaradii dhawaan lagu laayay degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa uu sheegay ka hor inta aan dhalinyaradda la dilin in ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya Qarax lala eegtay oo khasaare xooggan uu kasoo gaaray, waxaa uu sidoo kale xusay in dhaqatiirta  iyo Ciidanka lagu laayay degaanka kasoo wada jeedaan hal Beel

Waxaa uu walaac ka muujiyay in dowladda dhexe ee Soomaaliya loo daayo in ay baaritaano ku sameysan falkaasi, waxaana uu caddeeyay inaan baarista falkaasi lagu aamini karin dowladda Soomaaliya.

“Dadka labada meelood lagu laayey waa isku hal dad. Baabuurta ciidamada laga qarxiyey 9 ayaa ku dhimatay, dhaqaatiirta la laayeyna 8 ayaa dhimatay… Wiilasha nin ka mida oo dhaqaatiirta ahaa isagoo indhaha ka xiran ayaa yiri: annaga sidaad rabtiin na yeela ee Gabdhaha dhaafa..” ayuu yiri Muuse Suudi oo intaas ku daray inuu arrintan baaris ku sameeyay.

Waxaa uu sheegay inaysan ahayn in Ciddii dhimata Alshabaab loo saariyo, isagoo soo qaatay Geeridii Gudoomiyihii Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow oo uu sheegay inay weli shaki ka qabaan cidda abaabushay dilkiisa.

“Arrintan dad dowladda u shaqeeya oo in shaqada laga baxsho ka cabsanaaya baariteeda laga sugi maayo, waxaan kaloo laga sugeynin dad isku buqdan oo waxba kala ogeyn.. arrintan caalamka ayaa laga sugayaa, wax lagu kalsoon yahay oo dalkan ka jiro ma jiraan” ayuu yiri Muuse Suudi.