Mareykanka oo Doorashada Soomaaliya Ku taageeraya Lacag gaareysa 6 Milyan oo Dollar.

0
527

Safaraada Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay In Qabsoomida Dooraashooyinka Soomaaliya ay u diyaariyeen aduun lacageed gaaraya 6 Milyan oo Dollar.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamamoto ayaa kulan Muuqaal ah la qaatay Qaar ka mid ah warbaahinta kaasi oo ahaa mid ay su’aalo ku waydiinayeen waxa uu ka warbixiyay Arimo badan oo ay ka Mid tahay dadaalada Mareykan ee Soomaaliya uu ka wado Iyo Kaalmada dalka uu Siinayo Maadaama lagu jiro Xaalada la tacaalida Covid 19.

Waxaa uu Sheegay Yamamato Isagoo Ka hadlaya Doorashooyinka Dalka inu uu kala hadlay Madaxwaynah iyo Guddiga Doorashooyinka in Doorashada ay ku dhacdo Waqtigeeda.

“SI kastaba Si ay ku Socon Karto Doorashada Soo socota,Muhiimada Waa qabashada Doorashada Waqtigeeda,Lakiin Arimaha Kale waa Caqabad Dhabtii,Waa inaad Aamintaan Tani Waa midaan kala Hadlay Madaxwayne Farmaajo,Raiisul wasaraaha, Gudoomiye Xaliimo Yareey iyo Beesha caalamkaba,Muhiimada ugu weyn waa Qabashada Doorashada Waqtigeeda”. Ayuu Yiri Danjire Yamamoto.

Safiirka ayaa sheegay in Mareykanka oo Garab taagan yahay Doorashada Soomaaliya Sidaas darteedna uu ku Caawinayo Lacag iyo Talada ugu Fiican ee Doorashada ay ku socon karto.

Amb Yamamoto ayaa sheegay in Howlaha Doorashada Soomaaliya ay u diyaariyeen lacag gaareysa 6 Milyan oo Dollar taas oo 4 Kamid ah ay hada gacanta ku hayaan.

“waxaan dooneynaa  in habkii qabiilka laga gudbo oo baarlamaanka ay dadka doortaan, MArkaaa,Wax waliba oo aad rabtii waan idinka taageyreynaa 100 % sababta oo ah waa doorashadiina,Sidaas darted Waxaan bixineynaa taladda ugu fiican waxa aan heynaa lacag aan ku caawineyno doorashada taasi oo qiyaasteeda ah 6 Milyan taas oo doorashada lagu socodsiinayo, 4 Milyan ka mid ah waan heyneyna sababta oo ah waxa aan rabnaa in aan aragno sida ay wax u socdaan iyo sida shacabka ugu qancayaan”.ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhinac Kale Danjiraha Mareykanka ee Soomaliya Amb Donald Yamamoto ayaa ku dheeraaday ka hadaly Cudurka Safmarka ah ee Covid 19 kasoo Soomaaliyana kiisas ku dhaw 900 Laga wariyey.

Waxaa uu sheegay in Xukuumada uu ka hadlay Xakameynta Faafitaanka Xanuunkan Dilaaga ah, iyo sidoo kale Tageerida mareykanka uu siin karo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in Taageerida Caafimaad Soomaaliya ay u ahaayaan Mashruuc ku kacaya 16 Milyan oo dollar kaas oo dollado badani ay bixinayaan.

Ugu dambeyntii Amb Yamamato ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay taageeraan Doorashada dalka Garab istaagna ay Muujiyaan.