Xildhibaan Yuusuf Cabdi Suuri (Baxaar) oo ku geeriyooday Magaalada Baydhabo.

0
478

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka KGS waxaa xalay ku geeriyooday AUN Xildhibaan Yuusuf Cabdi Nuur Suuri (Baxaar) oo katirsanaa Xildhibaanada labaad ee dhawaan lasoo xulay.

Xildhibaanka ayaa Golaha Wakiilada KGS ku matalayay Gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kale waxa uu lasoo shaqeeyay Dowladii Militariga ahayd ee dalka, waxaana uu burburkii Dowladdii kadib lasoo shaqeeyay Dowladii dalka soo maray.

Xildhibaan Yuusuf waxa uu qabay cudurka Macaanka (Sokorta) oo la sheegay in ay ku kacday isla markaana ay gaartay heer sare, taasi oo sabab u noqotay in uu ku geeriyooday hoteelkii uu ka deganaa Magaalada Baydhabo.

Madiyow Maxamed Iftiin oo kamid ahaa Baarlamaankii hore ee Koofur Galbeed oo ay isku hotel degenaayeen Marxuumka ayaa sheegay in dhaqaatiir ay isku dayeen in ay dajiyaan xannuunka Macaanka (Sokorta )oo aad ugu kacday.

Yuusuf Cabdi Nuur Suuri (Baxaar) ayaa kamid ahaa Xildhibaanada 1-aad ee Baarlamaanka Koofur Galbeed ee dib ugu mid noqday mudanayaasha labaad ee Golaha Wakiilada oo dhawaan lasoo xulay.

Guddoonka Baarlamaanka KGS ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid AUN Xildhibaan Yuusuf, waxaana qoraal kasoo baxay uu u qornaa:

“Aniga oo Ku hadleya Magaceyga kan Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaan Halkan tacsiyo ugu direyaa qoyskii uu ka geeriyoodey iyo umadda Reer KG Xildhiban Yuusuf Abdinuur Oo ka Mid ahaa Xildhibanada KG, Waxaan Illahay uga bariyeynaa In Jannadii Fardowso uu ka waraabiyo Anagana gadaashiisa uusan na fidneynin”.